Shirkadda Turkiga Ah Ee Favori Oo La Eedeeyay

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga soo sheegayaa Maamulka Shirkadda Favori oo gacanta ku haya maamulka Garoonka diyaaradaha Muqdisho, ay dalka soo gelisay 11 eey oo ay ugu tala gashay in loo adeegsado amniga garoonka maadaama Shirkadda Bancroft ay joojisay eeyihii ay ku taageeri jirtay sugida amniga garoonka…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Mas’uuliyiinta Shirkadda Favori oo eeyaha kasoo iibsatay shirkad laga leeyahay dalka Kenya ayaan soo marsiin waddada sharciga ah oo aheyd inay soo marsiiso wasaaradda amniga qaranka, lagu sameeyo hubin, kadibna lagu daro diiwaanka wasaaradda.

Keenista eeyaha Sharci Darrada ah waxaa iska kaashaday Mas’uuliyiinta wasaaradda duulista, Maamulka garoonka u xil saaran dowladda iyo shirkadda oo markii hore mawaadin Soomaaliyeed kula heshiisay inuu eeyaha u keeno, hase yeeshee markii warqadii qiimeynta uga keenay shirkad amniga ka shaqeysa oo Kenya saldhigeedu yahay lagu war geliyay inay ka bexeen inkastoo markii dambe ay isla shirkadii si toos ah uga soo iibsadeen.

Shirkadda waxay sidoo kale gacanta ku heysaa kaamirooyinka amniga (CCTV) oo ahaa goobta kaliya ee laga kor joogteyn karo waxa garoonka ka socda, waxayna arintaasi sii kordhineysaa walaaca laga qabo in garoonku uu noqdo halaqya mareen.

67140cookie-checkShirkadda Turkiga Ah Ee Favori Oo La Eedeeyay