Maamulka Washington ayaa Isniintii shalay aheyd soo saaray Digniin adag kuna wahajan Madaxda Soomaalida, waxeyna sheegeen iney talaabo ka qaadi doonaan kuwa carqalada ku ah geedi socodka Nabada iyo Nidaamka Dowladeed ee Somalia…
Bayaan ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibeda ee USA ayaa lagu sheegay in isku day kasta oo lagu carqaladeynaayo shaqada Wasiirka 1-aad ee Dowladda Federaalka ay tahay mid wal-walkeeda leh, isla markaasna uu dhiiri gelinaayo Dadaalada (Rooble) ee Doorashada degdeg ah oo lagu kalsoonaan karo, iyagoo sheegay in Shaqo joojinta Wasiirka 1-aad ay tahay mid laga naxo.
“Waxaan diyaar u nahay inaan talaabo ka qaadno kuwa Caqabada ku ah Wadada Nabada ee Somalia, waxaana dhinacyada ugu baaqeynaa iney ka baaqsadaan Ficilada iyo hadalada kicinta” ayaa lagu yiri Bayaan, sidoo Xildhibaanad Ilhaan Cumar ayaa ugu baaqday Farmaajo in la joogo xiligii u bixi lahaa si loo socodsiiyo Doorashada.