Beelaha weli ka Maqan Furimaha & Tabashada Laga Tirsanaayo Madaxtooyada Somalia

Somalia news

Iyadoo ay xowli ku socdaa degaanada qaarkood dagaalada looga soo horjeedo kooxda argagixisada Shababka, isla markaasna laga qabsanaayo degaano hor leh, ayaa waxaa muuqata hubanti la’aan ku aadan sidaa kooxda argagixisada looga saari karo degaanada ay ku nool yihiin Beelaha Cabashada ka tirsanaaya Villa Somalia oo isku koobay Talada abaabulka dagaalka iyo Qodobo kale..

Cabashada badan oo ay tabanayaan tiro badan oo Qabaa’iilada Soomaalida gaar ahaan kuwa dega Gobolada Mudug, Galguduud, Hiiraan iyo Shabeelooyinka kuwaasoo ku eedeeyay Saraakiisha Dowlada iney dhinac la safan yihiin Beelo isla markaasna ay Xilalka Dowlada, hubka iyo dhaqaalaha si gaar ah loogu naasnuujinaayo.

Wararkaan ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia lagu eedeeyay inuu u sad buursiiyay dhanka Xilalka Dowlada, Dhaqaalaha, Hubka & Saadka beelaha Murasade, Xawaadle, Abgaal qaarkiis, Sacad iyo Saleymaan, halka kuwo kale sida Gaaljeceyl, Gugundhabe, Dir, Shiikhaal, Garre, Celi, Maxamed Muuse (Abgaal) iyo kuwo kale uusan kala tashan qorshaha duulaanka, waxeyna sababta in Degaanada qaarkood ay isku uruursadaan Maleeshiyaadka kooxda Shababka.

Talo xumida Villa Somalia xiligaan taal ayaa lagu eedeeyay iney ka Mas’uul yihiin Kaadiriinta saraakiisha Xisbiga Madaxweynaha iyo kan isbaheysiga la’ah ee Xisbiga Daljir, Talaabooyinka ayaa u muuqda mid carqalad ku ah dardargelinta dagaalada looga soo horjeedo Kooxda argagixisada Shababka, waxaana la sheegay in kooxda Shababka ay Dhaawqcyada iyo Sahaydaba geysanayaan degaanada ay ku badan yihiin beelaha eeda ka tirsanaaya.

Waxaana talo loogu soo jeediyay Villa Somalia iney u dib u eegto Qorshaheeda laab la kaca ku dhisan, isla markaasna la fadhiisato Odayaasha iyi Waxgaradka beelaha tabashada qaba xalna u raadisi hadii kale wuxuu halgankaan ku soo dhamaan doonaa sidii Marshuucii Faanoole.

224170cookie-checkBeelaha weli ka Maqan Furimaha & Tabashada Laga Tirsanaayo Madaxtooyada Somalia