Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka ayaa wada qorshe uu ugu magacaabayo Hogaamiye Hogaanka NISA oo sanadihii ugu dambeeyay noqotay Xarun Muwaadiniinta Soomaaliyeed lagu caburiyo, laga abaabulo dilal qorsheysan isla markaasna ku dhex milantay Siyaasada iyo Kooxda Shababka…
Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan in Qoraalka kasoo baxday Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, ay hordhac u tahay qorshe uu doonayo Ra’iisul Wasaare Rooble inuu ku magacaabo Agaasime cusub oo ay yeelato Hay’adda NISA.
Warar ayaa sheegaya in tiro dhowr ah Oo Musharixiin ah uu kala xulanaayo Wasiirka 1-aad, inkastoo xiligaan kala guurka ah ay adag tahay in muddo gaaban lagu saxo gabood faladii ay 5-tii ugu dambeysay ay geysteen Farmaajo iyo Fahad, Khilaafka cusub ee Farmaajo iyo Rooble ayaa loo arkaa inuu mar kale lugaha la sii galayo Hay’adda NISA, Dadka odorasada siyaasadda ayaana aaminsan in hadii Ra’iisul Wasaaruhu uu Agaasime cusub u magacaabo NISA, ay uga sii dari karto khilaafka labada nin.
Qoraal lagu baahiyay Baraha Bulshada uuna ku saxiixnaa Kusimaha Taliyaha NISA Yaasiin Farey ayaa lagu sheegay in xaalada caafimaad ee Mukhtaar Roobow ay wanaagsan tahay, isla markaana uu leeyahay dhaqaatiir si joogto ah ula socota xaaladiisa caafimaad, isla markaasna la kulma Qoyskiisa iyo Eheladiisa, waana Arday dhigta Jaamacad heerka labaad ee Master Degree, xiriir joogtana la leh Macalimiintiisa.
“Mukhtaar Roobow noloshiisa waxaa bil walba NISA uga baxda 7,000 oo US$ah, si loo maareeyo noloshiisa iyo midka qoyskiisa, maadaama uu xubin ka noqday Al-Shabaab, isla markaana uusan buuxin shuruudaha soo dhiibaha loo dejiyay inuu waajib ka saaran yahay amnigiisa” ayaa lagu yiri qoraalka.