Kulan Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Somalia news

Hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynihii hore ee dalka Cali Mahdi Maxamed ayaa Shalay Galab kulan wada tashi ah la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare…,,

Kulankaan ayaa ka dhacay Hoyga Mr.Cali Mahdi Maxamed Madaxweynihii hore, waxaana uu ahaa kala warqaadasho guud oo mas’uuliyiinta Hirshabeelle iyo hogaanka Madasha ah ee ku Aadan Degaanada Maamulkaasi.

Qodobada la iska waraystay waxaa ugu muhiimsanaa sidii looga shaqeyn lahaa midnimada dadka Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada reer Benadir, Madaxweyne Waare ayaana lagu bogaadiyey dowrkiisii shirarkii dhawaan ka qabsoomay magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare waxaa dhankiisa kulankan ku Wehliyey wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladda hoose ee dowlad goboleedka Hirshabelle, waxaan ugu dambeyn lagu ballamay in la joogteeyo kulamada noocaan ah.

51480cookie-checkKulan Ka Dhacay Magaalada Muqdisho