Sidee Looga Hortegi karaa in Deymo ay soo qaadato Somalia

Somalia news

Dalka Somalia ayaa haya Wadadii ay martay Dalka Mozambique sanadkii 2005-tii, iyadoo 17-dal oo kale oo lagu lahaa Deymo badan ayaa laga cafiyay, balse deyn hor leh ayaa loo balan qaaday in la siinaayo, talabaadaan ay muuqata mid aysan ku baraarugsaneyd Siyaasiyiinta xiligaan Hogaanka Dalka ku haya..

Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in deyn cafinta ay albaabada u fureyso maalgashi caalami ah, iyadoo maanka lagu hayo in Dalka Somalia ay dagaalo sokeeye mid Diimeed ku dhisan ay la dageen uu bilo yar kadib isku diyaarinaayo in laga cafiyo Deynta, iyadoo Dowladda Federaalka ay soo qaadan doonaan 100-Bilyan oo USA$ ah oo deymo kale si wax looga qabto Kaabayaasha dhaqaalaha.

Ogow Muwaadin dhibku ma ahan kaliyah Deyn waxaa taagan Maamul xumo, marka ma dhici karto in Maamul musuqmaasuq ragaadiyay deyn la siiyo, ku darsoo deynta la balanqaadaayo waxey ku dhaceysa jeebka Siyaasiyiinta Xiligaan, iyadoo jiilalka soo koraaya ay culeyskeeda qaadi doonaan, Dalkaan Deyn uma baahna wuxuu u baahan yahay suuq ganacsi oo furan iyo nidaam adag oo lagula dagaalo laaluusha iyo eexda.

229780cookie-checkSidee Looga Hortegi karaa in Deymo ay soo qaadato Somalia
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com