Khilaafka muuqda Ee Midowga Musharixiinta

Somalia news

Saanadkii tagay Khilaafka ba’an ayaa hareeyay Hogaanka sare ee Dowlada Federaalka kaasoo curyaamiyay geedi socodka hanaanka Dowladeed, sidoo kale Midowa Musharixiinta ayaa ku kala qeybsamay ka qeyb galka laba munaasabadood oo mid ay aheyd Casho sharaf uu sameeyay Mr.Qorqor oo aad u taageersan Farmaajaha fashilmay iyo mid lagu taageeraayay isku daygii Afgambi ee Farmaajo, sidoo kale lagu soo dhoaweynaayay mowqifka uu qaatay Mr.Roobel ee in lagu saxo khaladaadka Doorashada..

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, ayaa mar kale diiday ka qeyb galka Munaasabad xalay ka dhacday Magaalada Muqdisho, oo uu soo qaban qaabiyay Golaha Bulshada Banaadir, taasoo lagu cambaareynayay af-gambigii 27 Dec.2021, waxeyna mar kale, muujiyeen gebi-dhaclenta Shariif iyo Kheyre, iyo in aysan lahayn mowqif iyo mabda’ siyaasadeed, oo xaalada taagan ka turjumaaya, waxayna intii lagu guda jiray bishaan dhamaadka ah hor istaageen dhowr qorshe oo la doonayay in Madaxtooyada loga saaro Farmaajo.

Kulankaas, waxaa ka soo muuqday xubno ka tirsan G. M. Musharixiinta, sida  Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, Cabdikariin Xusen Guuleed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Cali Kheyre, ayaa waxay dhawaan dadaal xooggan ku bixiyeen, sidii ay hor istaagi lahaayeen abaabulka Badbaado Qaran, waxayna kala jabiyeen ciidankii caasimadda soo galay Isniintii, Waxa ay noqdeen siyaasiyiintii ugu horreysay ee la kulama Qoorqoor, wax ka yar hal saac, kadib markii uu Talaadadii Muqdisho u yimid inuu kala furfuro, bulshada reer Muqdisho oo si weyn u garab istaagtay Maxamed Xuseen Rooble, iyagoo horey u diideen in ay ka qeyb galaan kulan ay xubno ka tirsan Midowga Musharixiinta la yeesheen RW Rooble, kaas oo looga hadlayay xaaladda dalka gaar ahaan halka salka loo dhigayo xiisadda aloosan.

Dadka Muqdisho ee siyaasadda u dhuun-duleela ayaa si weyn u hadal haya hab-dhaqanka siyaasiyiintaan kuwaas oo la xasuusto in ay hore u diideen dhismaha Gole Qaran oo ka shaqeeya maslaxadda Galmudug, Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir, Kheyre, waa shaqsiga waqtiga ugu badan la soo shaqeeyay Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, waxaana la rumeysan yahay in aysan jirin kala aragti duwanaasho buuran oo u dhaxeysa isaga iyo Kooxda Turkiga & Qatar taageeraan ee Madaxtooyada sharci-darrada ku joogta, Halka, Shariif, oo bilowgii iyo bartamihii sanadkaan kulamo kala duwan la qaatay Fahad Yaasiin, uu rumeysan yahay inuu garab ka heli doono wakiilka Qatar u qaabilsan arrimaha gudaha haddii Farmaajo fashilmo.

159430cookie-checkKhilaafka muuqda Ee Midowga Musharixiinta