Musuqmaasuq Balaaran Oo Hareeyay Taliska Ciidamada Asluubta

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Musuqmaasuq baahsan iyo maamul xumo Ka Taagan Hogaanka Maaliyada ee Taliska Ciidamada Asluubta, iyadoo lagu eedeeyay Taliyaha Ciidamadaan inuu ka dambeeyo dhaca iyo ku tagri Falka dhaqaalaha loogu tala galay Hogaamada ka duwan iyo Maamulka Xabsiyada…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Taliska Ciidamada Asluubta oo ka kooban 16 Hogaan iyo 4 Xabsi oo talisku sii toos ah u mamulo, ayaa Dowladda ay u qoondeysay bil kasta dhaqaale dhan qiyaasti ugu yaraan $40,000 iyo $62,000 ugu badnaan oo adeeg (running cost).

Dhaqaalahaan markii hore waxaa lagu fulin jiray socd-siinta Howlaha Hogaamada adeegooda, Hogaan kasta waxaa ku qoran Sarkaal Sare, ilaa inta uu yimid Taliyaha Ciidanka Asluubta ee isaga qadanayeey xata Xafiisyada T/xigeenada waxba lagama siiyo, waxaana la sheegay Villa Somalia ayaa raali ka ah Boobka & Musuqmaasuq Shaqsiga ku magacaaban Taliska.

Hadaba haddii Xafiiska Hanti-dhowrku yahay mid uu adeegaya Shacbiga Soomaaliyeed iyo Qaranka maxaa Ka Hortaagan inuu baaris iyo daba gal ku sameeyo sidoo Mas’uuliyiinta Wasaaradaha Cadaalada iyo Maaliyada iney soo fara geliyaan si wax looga qabto Musuqmaasuq baahsan Ee ka taagan Ciidamada Asluubta.

148160cookie-checkMusuqmaasuq Balaaran Oo Hareeyay Taliska Ciidamada Asluubta