Ma Dhabaa in Ciidamo & Gadiid Dagaal ay UAE si Qarsoodi ah uga Dejisay Boosaaso

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa xaqiijinaaya in Dowlada UAE laga soo bilaabo bartamihii bishii Oktobar ay si qarsoodi ah diyaarado uga dejineysay Garoonka iyo Dekeda Bosaso Ciidamo iyo Gaadiid dagaal, Ciidamadaan iyo hubkaan ayaa lagu uruuriyay xero Ciidam oo UAE horey u maamuli jirtay haatana Shirkad gaar ah Maamusha..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Diyaaradaha xamuulka ee Ciidamada UAE ay 12-duulimaad ay soo caga dhigteen, waxaana wararku sheegayaan in Gaadiidka Dagaalka RG-33 oo tiradoodu kor u dhaafayaan 250-Gaari ayna wehliyaan 180-Ciidamo ka tirsan kuwa UAE ayaa la dejiyay xerada Ciidamada PMPF ee gudaha magaalada Boosaaso.

Ilo wareedyadaan ayaa sheegay in Safarkii u dambeeyay ee Madaxweynaha Somalia uu ku tagay magaalada Abu Dhabai uu kula saxiixday heshiis qarsoodi oo loogu oggolaanayo Ciidamada UAE iney Farsiimo ka sameystaan Degaanka Gardafuuy, ku darsoo horey ayeey Ciidamo isku dhaf ah (UAE, USA iyo Israel) farsiin uga hirgeliyeen jasiirada Suqadara.

Ilaa hadda lama oga sababta xili uu dhamaad yahay muddo xileedka Madaxweynaha Puntland Mr.Saciid Dani, isla markaasna uu soo xoogeysanaayo inuu jiro heshiis muddo korarsi 2-sano ah oo Madaxtooyada Somalia u oggolaatay Maamulka Puntland iyadoo aan lagala tashan Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo Qeybaha Bulshada, waxeyna horseedi kartaa dagaal dhiig ku daato.

224090cookie-checkMa Dhabaa in Ciidamo & Gadiid Dagaal ay UAE si Qarsoodi ah uga Dejisay Boosaaso