Maxaa ka Run ah Deni Xilalka Wasiirada Maamulkiisa uu Mucaaradka u Qeybiyay..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Madaweynaha Maamulka Puntland oo la tashiyo wada ayaa ugu yaboohay Mucaaradkiisa Xilalka Muhiimka ah Golihiisa Wasiirada, isagoo qorsheystay in 2-sano kadib ay ku taageeraan Kooxaha Mucaaradka Doonistiisa Xilka Madaxtonimada ee Villa Somalia…

Wararka ayaa sheegaya in Mr.Deni uu Kooxaha Mucaaradkiisa u soo bandhigay in Wasiirada Derejada A ah ay qaataan, halka Wasiirada haatan jooga oo intooda badan la filaayo ineysan soo laaban doonin,wuxuuna u kala qorsheeyay Beelaha sida ku cad shaxdaan:-

-Wasiirka “A” ee Beesha Ciise Maxamuud, waxaa loo qondeeyay Suldaan Garaase iyo Abshir C. Huruse, iyadoo loo xulay inuu buuxiyo Booskaasi Shaqsi ka shaqeeya Hay’adaha QM.

-Halka Wasiirka “B” ee Beesha Ciise Maxamuud, wuxuu noqon doona Wasaarada Duulista Hawada, waxaana loo qondeeyay Reer Senator Cabdiraxmaan Faroole.

-Wasiirka (A) ee Beesha Cismaan Maxamuud, wuxuu u qorsheeyay iney sio xushaan Boqor Burhaan iyo Ilmo Diyaano.

-Wasiirka “A” ee Beesha Cumar Maxamuud waxaa soo xulanaaya Islaanka iyo Siyaasiyiinta Beesha.

-Beesha Cali Saleebaan, waxay la siiyay Labada Wasaaradood markii ugu horaysay.

-Halka Beesha Dhulbahante, Waxaa loo qorsheeyay iney kala qaataan Jufooyinka Bah-ararsame iyo Ugaar-yahan Laba Wasaaradood oo “A” ah.

-Beesha Warsangeli, Wasaarada “A” waxaa qaadanayaa Jufada Cumar.

306080cookie-checkMaxaa ka Run ah Deni Xilalka Wasiirada Maamulkiisa uu Mucaaradka u Qeybiyay..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com