Warbixin hordhaca ah oo laga helay ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in ku dhowaad 700 oo isugu jira Maleeshiyo beeleedyo lagu soo tababaray Dalka Eritrea isla markaasna ay Hubka iyo agabka ay ku taageereen Dowladaha Turkiga iyo Qatar ayaa lagu diyaariyay Magaalada Mogadishu…
Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Kadib markii intii badneyd lagu burburiyo 450 Maleeshiyaad oo loogu magac daray “Duufaan” kana tirsaneyd Hey’adda NISA dagaalkii Bishii April sanadkii tagay, ayaa hadda Waxaa la xaqiijiyay in Horjoogaha ku heynta ah Farmaajo uu diyaariyay 700 oo Maleeshiyaad kuwaasoo hub iyo Gadiid dagaal loogu qeybiyay 3-Goobood oo ku kala yaala Magaalada Mogadishu.
Maleeshiyaadkaan ayaa loo diyaariyay sidii ay khalkhal gelin lahaayeen dib u sixida hanaanka Doorashada ee Golaha Wadatashiga Qaran, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda ay dagaalo, Dilal qorsheysan iyo afduubyo ka bilaabaan Magaalada, iyagoo la sheegay iney si gaar u bartilmaameedsan doonaan Mas’uuliyiinta Midowga Musharixiinta iyo qeybaha kale Ee Bulshada.