Xaalad Amaan Ee Caasimadda Oo Laga Deyriyay

Somalia news

Warbixino laga helay Saraakiil Amaanka u u Xil saaran ayaa ka deyriyay Xaalada Amaan Ee Caasimadda Muqdisho, waxeyna sheegeen in xiligaan kala guurka ay u muuqato mid go’doon ah, kadib markii ay soo buux dhaafiyeen daafaha Magaalada Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda iyo Xoogag aad u Hubeysan oo gacan saar la leh Xisbiyada Mucaaradka….

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com u sheegay qalalaasaha Siyaasadeed iyo Khilaafaadka ka dhashay Go’aanka u Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo uu ku gaaray inuu qabto Doorasho dhinac ah oo boob ah, ayaa la sheegay iney soo dedejisay inay Magaalada daafaheeda fariisimo ka dhigay an Xoogag hubeysan oo qaarkood diidan in Doorashada lagu qabto Magaalada Mogadishu, halka Kooxda Shababka ay qorsheyneyso iney dib u qabsato qeylo ka mid ah Magaalada.

Maamulka Villa Somalia ayaa go’aansaday inuu xoog iyo xeeladba dib loogu doorto, isagoo adeegsanaaya Ciidamada Dowladda Federaalka kuwaasoo caburin, cabsi gelin ku haya Dadka ka aragtida duwan iyo Shacbiga Magaalada Mogadishu, isla markaasna ku amray Maamulada taageersan iney degaanadooda ku qabtaan doorasho aan loo dhameyn.

86330cookie-checkXaalad Amaan Ee Caasimadda Oo Laga Deyriyay