Magaalada Mogadishu Oo Ka Socdo Abaabulka Banaanbax Ka Dhan ah Wakiilada Beesha Caalamka

Somalia news

Wararka hordhaca ah ayaa laga helayaa Qabqablayaal taageersan Farmaajo ayaa magaalada Muqdisho ka wada abaabulka banaanbax lagu taageerayo Madaxweynihii hore, oo ay suurta-gal tahay inuu berri dhaco, waxaana la sheegay iney ku lug leeyihiin Gobolka Benadir…

Wararka ayaa sheegaya in Banaanbaxaan ay abaabulkiisa wadaan Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada iyo xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, waxuuna ka socdaa degmooyinka kala duwan ee gobolka, iyadoo dadka si hoose loogu qancinayo inay kasoo qeyb galaan banaanbaxa, waxaana loo balanqaaday 3-US$ qofkii.

Ilo Wareedkaan ayaa sheegay inTaageerada Farmaajo ka sokow, banaanbaxa ayaa sidoo kale la doonayaa in lagu cambaareeyo beesha caalamka gaar ahaan USA,UK iyo EU-da, looguna sheego inay faraha kala baxdo arrimaha Somalia. Waxaa dib loo soo nooleynayaa “Sheekadii shisheeye naceybka” ee uu Farmaajo kusoo galay siyaasadda Somalia, balse been noqotay kadib markii uu ku xirtay Oromada Ethiopia uu sanado badan weerari jiray kahor inta aan la dooran.

Abaabulka banaanbaxaan ayaa ku soo beegmaaya iyadoo uu Muqdisho ka socdo shirka golaha Wadatashiga Qaranka ee Ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda shanta maamul goboleed ee dalka, waxaana miiska saaran hanaankii amniga qaranka looga wareeji lahaa Farmaajo, inkastoo ay ka soo horjeedaan Qorqor iyo Lafta gareen.

160370cookie-checkMagaalada Mogadishu Oo Ka Socdo Abaabulka Banaanbax Ka Dhan ah Wakiilada Beesha Caalamka