Mas’uul ka tirsan Golaha Wasiirada oo lagu Eedeeyay Musuqmaasuq iyo Khiyaano..

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa muujinaaya in Xubin ka tirsan Golaha Wasiirada oo lagu eedeeyay inuu musuqmaasuqay Barnaamij ay soo diyaarisay Hey’adda ILO ee Shaqaalaha Aduunka oo hoos tagta Qaramada Midoobay, iyadoo walaac laga muujiyay hanaanka loo maareeyay..

Xogtaan ayaa sheegtay in Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada lagu eedeeyay in hanaanka loo maareeyay barnaamijkii shaqo Hufan (DWCP) oo ay saxiixday wasaaradda kaasoo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed, iyadoo wada hadal Qarsoodi ah oo ka dhacay Dibada lagu heshiiyay.

Heshiiskaan ayaa waxaa ka maqnaa Ururka Shaqaalaha Soomaaliyeed, iyadoo qoraal ay soo saareen lagu sheegay in “Xiriirka Guud ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (SOCOTU) waxa uu ka walaacsan yahay Barnaamijka shaqo hufan ee dalka Soomaaliya (DWCP) oo ay saxiixday Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (MOLSA),” ayaa lagu yiri qoraal.

260370cookie-checkMas’uul ka tirsan Golaha Wasiirada oo lagu Eedeeyay Musuqmaasuq iyo Khiyaano..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com