Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Qodobo xasaasi ah oo Lagu soo qaatay Kulanka wada-tashiga Qaran, kaasoo maalintii 4-aad soo xirmay kadib markii madaxda maamul Goboleedyada iyo Wasiirka 1-aad Mr.Rooble isku raaci waayeen qodobka Amniga guud ee Dalka..
Kulankaan ayaa looga dooday Hanaanka Doorashada, Ka qeyb gelinta Doorashada 135-Oday Dhaqmeed, Bulshada Rayidka iyo Amniga guud, kadib markii Farmaajo isku dayay inuu afgambiyo Wasiirka 1-aad oo uu Ciidamo u diray Xafiikiisa iyo Hoygiisa, inkastoo isku daygaasi uu Fashilmay.
Mr.Rooble ayaa soo jeediyay in Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia laga dhigo Goob lagu Wada shaqeyn karo, iyagoo maankalender lagu hayo isku daygii Afgambi ee 27-kii December, Iyadoo Golahu uu ka jawaabayo walaacaas Amni waxaa miiska la soo saaray aragti ah in Ciidamada AMISOM lagu wareejiyo ammaanka guud ee Madaxtooyada oo banaanka loo soo saaro dhamaantood ciidamada Soomaalida ah ee labada Nin kala taabacsan si meesha looga saaro cabsida ku saabsan inuu Farmaajo mar kale isku dayo wax la mid ah talaabadii foolxumada aheyd ee uu qaaday.
Waajibaadka AMISOM waxaa kamid ah inay sugaan Amniga madaxda Dalka iyo xarumaha muhiimka ah, Qodobka kale ee dooda Amniga laga qaatay ayaa ahaa in Goluhu soo jeediyo in la badalo dhamaan Taliyayaasha ciidamada Dowladda, iyadoo laga heshiinayo cidda lagu badali doono, Qodobkaan waa aragti miiska taalay, laakiin looguma dul shaqeyn shaqeyn sida qodobka la xiriiray in AMISOM lagu wareejiyo Ammaanka Madaxtooyada.