Maxaa ka Run ah in Wiilka Muuse Biixi uu Gooja-cade ku sugan yahay?

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa tilmaamaya in Wiil uu dhalay Muuse Biixi oo ka tirsan Laanta Sirdoonka Guracan ee Somaliland ayaa xili lagu gudo jiro abaabulka dagaalkii u weynaa ee ka dhaca Laascaanood ka been abuurtay inuu ku sugan yahay xerada go’doonsan ee Gooja-cade..

Wararka ayaa sheegay in muqaalo Axmed Muuse Biixi shalay lagu baahiyay Warbaahinta gudaha lagu sheegay iney ahaayeen kuwo loo ekeysiiyay inuu ku sugan yahay Fariisinka go’doonka ah ee Gooja-cade, Dadka degaanka Ceynaba ayaa noo xaqiijiyay in Wiilka Muuse maalmo ka hor degaanadooda soo gaaray si sawiradan looga qaado degaano duleedka Ceynabo ah oo u muuqaal eg Gooja cade, isaga oo isla markiina dib Hargeysa ugu noqday.

Khubarada arrimaha Ciidamada ayaa qaba in xiligaan aysan suurto gal aheyn in Ina Muuse kormeero Gooja-cade ayaa lagu sheegay in Xoogaga Beesha uu ka soo jeedo iyo kuwa degaanka ee kawada tirsan ciidamada uu khilaaf gacan ka hadal sababay uu dhawaan jiida hore ku dhexmaray.

Si kastaba, Xoogaga Somaliland ee ku sugan duleedka Laascaanood ayaa la saadalinayaa iney dhamaadka Bisha Radamaan kadib ay wajihi doonaan weerarkii ugu adkaa oo ay Xoogaga SSC ay haatan qorsheyneyso, halka Maamulka Muuse Biixi uu ku howlan yahay baahinta sawirada Ina Muuse.

251400cookie-checkMaxaa ka Run ah in Wiilka Muuse Biixi uu Gooja-cade ku sugan yahay?
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com