Maxey Amisom & Somalia Ku Heshiiyeen Qorshaha Bixitaanka

Africa News Somalia news

Heshiis aan la ogeyn waxa ay uga duwan tahay kuwii hore, Somalia iyo Midowga Afrika ayeey ku heshiiyey sida ay mustaqbalka dhow noqoneyso shaqada iyo hawlagallada Ciidamada AMISOM, kuwaasoo waqtigooda la kordhiyey ilaa March ee sanadkaan…

Labada dhinac ayaa isku afgartay in shaqada ugu weyn ay noqoto markan dagaalka ka dhanka ah Kooxaha argagixisada, loona helo arrinkaas maalgelin cad, si hawshan loo dardargelinaya guddiyo farsamo oo labada dhinac ah ayaa ka fariisan doona January 10, muddo  30 maalin ah ayaana lagu soo afjarayaa, iyagoo qorshaha iyo qaabka uu noqonayo hawlgalka AMISOM ee ay ku heshiiyaanna hordhigi doona Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika wixii ka dambeeya February 11.

Somalia ayaa sanadkii ugu dambeeyey waxaa ay waday qorshaha kala-guurka ee loo yaqaan Somali transition plan (STP), waxaa uuna qorshahan dhigayaa in AMISOM ay Somalia sii joogto ilaa 2023, iyada oo Soomaalidana si aayar ah loogu wareejiyo degaanada xorta ah, wada hadallada arrinkan ayaa lasoo gabagabeyn doonaa ugu dambeyn February 2022.

AMISOM ayaa dalka soo gashay 2007-dii, inkasta oo halkii askari oo ka mid ah 20-ta kun ee Ciidamada Amisom ay ku baxdo bishii ilaa $1,000 oo aaney ku jirin qalab iyo caafimaad, hadana ma gelin  wax dagaalo ah  7-badii sano ee ugu dambeysay, waxaa uuna hawl-galkooda noqday mid fadhiid ah, oo biil uun ay ku ilaashadaan.

160640cookie-checkMaxey Amisom & Somalia Ku Heshiiyeen Qorshaha Bixitaanka