Tiro Boliiska Kenya Oo Lagu Dilay Wado-gal Degaanka Lamu

Africa News

Wararka naga soo gaara Magaalada Laamu ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in Koox ka tirsan Maleeshiyaadka argagixisada Shababka ay wadada u galeen kolonyo Gaadiid ah oo ay galbinaayeen Ciidamada Boliiska, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo Dhaawac…

Wararka ayaa sheegaya in dhacdadaan ay ka dhacday inta u dhaxeysa Mkunumbi and Hindi ee degaanka Milhoi oo ka tirsan degmada Lamu, iyadoo Maleeshiyaadka Shababka ay gaari kuwa Boliiska ah ku dhufteen Qoriga RPG-7 kaasoo burburiyay Gaariga, waxaana ku dhintay 4-Xubnood oo ka tirsan Ciidamada Boliiska Kenya.

Dhanka kale Maleeshiyaadka Kooxda Shababka shalay ayaa la sheegay iney Burburiyeen Dhisme iyo Anteeno ay leedahay Shirkadda Isgaarsiinta Safaricom isla degaanka, Maalmihii ugu dambeeyay ayaa sheegay in xaalad amaan Ee degaanka Lamu laga deyriyay, iyadoo Dowladda Uhuruu ay ku iney xakameeyaan Howlgalada Kooxaha argagixisada.

Alert#- Suspected Shabaab Militia Targeted a Kenyan Police vehicle with an RPG at Milhoi area in Lamu County. The rocket propelled grenade destroyed the vehicle and killed 4 security officers on escort duties. Previously, on 6th of January the terrorists destroyed a telecommunications mast.

160700cookie-checkTiro Boliiska Kenya Oo Lagu Dilay Wado-gal Degaanka Lamu