Tan iyo markii uu soo shaac baxay Khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble isla markaasna uu Qorqor la saftay Farmaajo ayaa Saraakiisha Xafiiska Wasiirka 1-aad waxey bilaabeen iney shaqaaleysiiyaan Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Mucaaradka ee aad uga soo horjeeday Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo…
Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Bishii tagtay Qoraal laga soo saaray Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu shaqaaleysiiyay Kamaal Guutaale Oo qaraabo hoose la ah Qorqor, waxaana loo magacaabay La-Taliyaha Arrimaha Siyaasada ee Ra’iisalwasaaraha, Kamaal ayaa xiligaan ah Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir.
Mr.Kamaal ayaa maalintii shalay ka soo muuqday Xafladii uu Wasiirka 1-aad Mr.Rooble kula wareegay Deeqda Dowladda Imaaraadka ugu deeqday Degaanada ay abaaraha ku habsadeen, talaabadaan ayaa u muuqata mid dib u dhac ku keeneysa Hogaanka Qorqor.