Dowladda Federaalka Oo Dib u Fasaxday Terminaalka Movcon

Somalia news

Warar hordhaca ah oo laga helay ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Dowlada Federaalka ay dib u furtay isticmaalka UN Terminal Movcon ee garoonka Aadan Cadde oo aheyd qeyb u gaar ah isticmaalkeeda UN-ka, AMISOM iyo dhamaan Ajaaniibta degan Xerada Xalane…

Ternimaalkan oo ay dhowaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda sheegtay iney xirtay ayaa haatan Wasaaradda Amniga Dowladda Soomaaliya ay sheegtay iney dib u fasaxday isticmaalka Terminaalkaasi, talaabadaan ayaa lagu fasiray Dagaalka mindhicireedka u dhaxeeya Rooble vs Farmaajo.

Wasiiradda Arrimaha Dibadda iyo Amniga ee Dowladda xilgaarsiinta ee kala bixiyay amarada lagu xiray Terminaalka iyo kan dib loogu furay ayaa ah laba wasiir oo saaxiibo dhaw la kala ah Madaxweynaha iyo Wasiirka 1-aad oo xiligaan khilaaf noocii ugu darnaa uu ka dhex taagan yahay, waxayna arintaan dab kusii shideysa khilaafka ka dhex jiray labada dhinac oo ku loolamaya dhanka awooda.

160860cookie-checkDowladda Federaalka Oo Dib u Fasaxday Terminaalka Movcon