Share the post "Maxaa Ka Jira In Is-Bedelo Lagu Sameynaayo Hogaamada Ciidamada Dowladda"
Habeenadii ugu dambeeyay Madaxtooyada Villa Somalia waxaa ka socday isku dayo lagu carqaladeynaayo Hanaanka Doorashada ee Golaha Wadatashiga Qaran ku heshiiyeen, Qorshaha Farmaajo ayaa si toos ah la isku dayayaa in lagu kala furfuro Saraakiisha Ciidamada…
Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Maalmaha dhow wuxuu Farmaajaha Fashilmay shaacin doonaa inuu is bedel ku sameynaayo Hogaanka Talisyada Ciidamada Xoogga Dalka, Boliiska iyo NISA, isagoo la-tashiyo uu waday soo afmeeray, Naqshada cusub ayaa u dhigan sidaan:-
-Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Waxaa loo magacaabaaya Biixi Oo Ku jufo ah Farmaajo
-Taliyaha Ciidamada Boliiska Waxaa loo badinayaa in loo magacaabo Shaqsi ka soo jeeda Beesha HG, (Xanta ayaa tilmaameysa S/John, Waxaa kuxigeen looga dhigayaa Sarkaal ka soo jeeda Beesha Murusade.
-Taliyaha Ciidamada Lugta ayaa lagu wadaa in loo magacaabo Sarkaal ka soo jeeda Abgaal.
Taliyaha Hey’adda NISA Waxaa lagu wadaa in loo magacaabo Sarkaal ka soo jeeda Beesha Abgaal aad u taageersan Villa Somalia.
Sidoo kale Taliyaha Boliiska Gobolka Benadir ayaa lagu wadaa in loo magacaabo Sarkaal ka soo jeeda Beesha Abgaal, Xogtaan ma ahan mid dhameystiran waxbaa iska bedeli karta