Ka Ganacsiga Dahabka ee Haweenka Somalia & Dhibaatooyinka ka Dhasha..

Somalia news World

Warar hordhac ah ayaa laga helayaa Haweenay Soomaaliyeed oo la soo werinayaa in Axadii tagtay lagu xiray Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Mumbai ee dalka India, kadib markii lagu soo eedeeyay iney si qarsoodi ah u soo galisay dalkaas 3.4 kilo oo dahab ah oo qiimihiisu gaaraayo $195,747.55…

Gabadhan oo aan magaceeda kusoo koobeyno Sahra, ayaa wararku waxay sheegayaan inay tahay Soomaalida Kenya, tiro badan oo Ganacsato Soomaaliyeed ayaa la sheegay inay dahabka cayriinka ah u iibgeeyaan dalkaas India, halkaasoo kadib laga farsameeyo dahabka ay xirtaan hablaha sida dhegaha, katiinadda, faraantiga iyo jijimanka.

Hey’adda Sirdoonka India (AIU) ayaa sheegay in Haweeneydaasi ay dahabka ku qarisay dharkeeda hoose, ayna ka dhoofeysay garoonka, markii la qabtay, Saraakiisha Amaanka ayaa sheegay in haweenayda oo reer Nayroobi ahayd ay qabteen kaddib markii waaxda sirdoonka ee garoonka diyaaradahu ay ku qabteen meel u dhaw albaabka laga baxo ee garoonkaas, xilligaas oo ay ka soo gudubtay baaristii albaabbada gudaha ee garoonka.

Gabadhaan ayaa la sheegay iney wadatay baasaboorka UK kaasoo shaqaynayay ilaa 2032, Waxay ka timid Magaalada Nairobi yaa oo qorshaheeda socod ahaa Mumbai ayna soo gaartay 30-kii September,” ayay sarkaal dhanka cashuuraha ah ka soo xigteen warbaahinta Hindustan Times.

Kiilada dahabka ah ayaa macaash laga heli karaa ku dhawaad 5,4000 US$ ah, Sida laga soo xigtay warbaahinta Dalkaasi, Haweeneydaan ayaa lagu hayn doonaa muddo 14 maalmood ah iyadoo mas’uuliyiinta ay baarayaan sida uu ku dhacay qorshahan tahriibinta dahabka ahi.

280460cookie-checkKa Ganacsiga Dahabka ee Haweenka Somalia & Dhibaatooyinka ka Dhasha..