Doorashada 5 kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka Federaalka Somalia, ayaa lagu wadaa inay berri oo talaado ah ka dhacdo xerada Taliska Ciidanka Daraawiishta Puntland ee 54-aad, oo dhacda duleedka Magaalada Garoowe ee Maamulka Puntland…
Kuraasta doorashadoodu dhacayso berri ayaa kala ah HOP#144, HOP#223, HOP#232, HOP#128, iyo HOP#094, Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Madaxtooyada Puntland ayaa diyaarisay musharrixiinta kusoo baxaya, inkastoo qaarkood weli muran xooggan ka taagan yahay.
-Kursiga1-aad Hop#128 ee Beesha Carab Saalax, lagana soo doorto Gobolka Nugaal/Garoowe, waxaa horay ugu fadhiyay Maxamed Cabdikaafi Maxamed, waxaana la filayaa in uu ku soo baxo Maxamed Cabdiraxmaan Axmed (Dhamuuje).
-Kursiga 2-aad Hop#144 ee Beesha Reer Biciidyahan(Majeerteen), lagana soo doorto Gobolka Mudug/Cagaaran, waxa ku fadhiyay Faysal Cabdulle Guuleed, waxaana la filayaa in uu ku soo baxo Wasiirka Qorshaynta Puntland Cabdiqafaar Cilmi Xaange.
-Kursiga 3-aad Hop#223 ee Beesha Awrtable, lagana soo doorto Gobolka Nugaal/Buurtinle, waxa horay ugu fadhiyay Cabdiraxmaan Axmed Jaabir, waxaana la saadaalinaya in uu ku soo baxo Wasiiru-dowlaha Maaliyadda Jubaland Xirsi Jaamac Gaani.
-Kursiga 4-aad Hop#232 ee Beesha Leelkase lanaga soo doorto Gobolka Mudug/Galdogob, waxaa horay ugu fadhiyay Cabdirashiid Daahir Gaboobe, waxaana hadda loo saadaalinaya in ay ku soo baxdo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland Fardowsa Cismaan Cigaal.
-Kursiga 5-aad Hop#094 ee Beesha Dhulbahante, lagana soo doorto Gobolka Sool/ Dharkayn-geenyo, waxa ku fadhiyay Axmed Ismaaciil Shabeel, iyadoo haatan la filayo in ay ku soo baxdo Wasiirkii hore ee Haweenka Puntland Maryan Axmed Cali.