Qarax Ka Dhacay Garoon Ciyaareed Oo Ku Yaal Gaalkacyo

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Naftii halige isku qarxiyay afaafka hore ee Garoonka ku nada Cagta Ee Konfurta Magaalada, xiligaas kusugnaayeen Saraakiisha Laamaha Amniga oo ay ku jiraan xubnaha ugu muhiimsanaa, sidaas oo kalena ay goobta joogeen xubno katirsan maamulada labada dhinac ee Gaalkacyo….

Xaruntaan ayaa lagu soo dhaweynayay Wasiirka 1-aad ee Dowladda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble. Waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaa ku geeriyooday Duqii hore Ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo Marxuum Maxamuud Yaasiin Tumey iyo Taliye Kuxigeenka Ciidamada Danab ee Magaalada Gaalkacyo Maarsho iyo xubno kale.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Taliyaha Qeybta 21-aad ee Ciidamada Xooga Dalka ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay qaraxaasi tiro kale wey ku dhaawacmeen.

Kooxaha Argagixisada ayaa kasoo horjeeda Amniga & Daganaanshaha guud ee mandiqada oo dhan, waxayna ku guuldareysteen dagaalo ay ka abuuri jiren gobalka.

#La Soco wixii ku soo kordha#

79930cookie-checkQarax Ka Dhacay Garoon Ciyaareed Oo Ku Yaal Gaalkacyo