Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed Oo Tababare Cusub Heshiis La Galay

Somalia news

Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed ayaa shalay heshiis la gaaray Tababare u dhashay Dalka Holland Mr.Hendrik Pieter de Jongh inuu noqdo Macallinka Xulka Qaranka, xili khilaaf xoogan uu u dhaxeeyo Howlwadeenada Xiriirkaasi in Muddo ah…

Sida laga soo xigtay Wikipedia Macanllinkaan wuxuu horey u soo tababaray kooxo ka dhisan Dalalka South Africa, Kenya iyo Hungary, wuxuu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray inuu aad ugu faraxsan yahay in loo xusho inuu tababare u noqdo Xulka Qaranka Soomaaliyeed.

Shaacintaan ayaa ku soo beegantay xilli khilaaf xoogan yu u dhaxeeyo garabyada Xiriirka Kubada Cagta oo ay kala hogaamiyaan Cabdiqani Saciid & Yuusuf Muxyadiin Axmed, is-qabqabsigaan ayaa horseeday inuu Xiriirka labada Garab oo iska soo horjeeda u kala jabo.

Isku duwaha Xulka Qaranka Jamaal Xaashi Tuure oo shir-jaraa’iid ku qabtay Mogadishu ayaa naqdiyay Magacabista Tababaraha isagoo u cuskaday wada tashi la’aan wuxuuna ka garabka ka soo horjeeda ugu baaqay iney Sharciga u hogaamsamaan.

166450cookie-checkXiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed Oo Tababare Cusub Heshiis La Galay