Waxaa maanta lagu wadaa in lagu qabto magaalada Dhuusa mareeb xulshada afar kursi oo kamid ah Golaha Shacabka BJFS, iyadoo mid ka mid ahi la sheegay inuu Qorqor hakiye sababo la xirira amaro laga sii Villa Somalia…
Kuraasta xulashadoodu dhacayso ayaa kala ah HOP#139, HOP#149, HOP#051 iyo HOP#061, waxaana isku diiwaangaliyay 10 musharrax, sida uu shaaciyay Guddiga Maamulka Doorashooyinka ee heer Galmudug.
Kurasiga 1-aad Hop#139 Waxaa ku Tartamaaya Wiilka uu dhalay Hogaamoyaha Xoogaga Suufiyada Cabdisamad Macallin Maxamuud iyo Xamdi Shire Cali, Halka Kursiga 2-aad Hop#049, waxaa Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo Cabdullaahi Cabdi Guutaale, Jamiilo Cali Xeyle, Cabdinuur Ciise Xiireey.
Kursiga 3-aad Hop#051 Waxaa horey ugu fadhiyay oo laga horistaagay Xasan Macallin Sheekh Maxamuud Cali, waxaa ku tartamaaya Xuseen Maxamed Nuur, Maxamed Geedi Jumcaale, Kursiga 4-aad Waxaa horey ugu Fadhiyay Cabdiweli Qanyare Iyadoo aan la ogeyn sababta uu uga haray, waxaa ku tartami doona Dayax Axmed Nuur iyo Cabdulqaadir Abuukar Cabdi.
Waxaa dib loo dhigay Hop#071 oo uu ku fadhiyay Cabdisaabir Nuur Shuuriye, iyadoo Culeysyo iyo fara gelin ka timid Farmaajo iyo Qorqor dib loogu dhigay si loo boobo kursigaasi, waxaana laga cabsi qabaa inuu dhiig badan ku daato.