Hay’adaha Amaanka Oo Soo Saaray Digniino Amaan

Somalia news

Ilo wareedyo ka tirsan Hay’adaha Amaanka iyo kuwa ajaanibta ah ee fadhigoodu yahay xerada Xalane ayaa soo saaray digiino Amaan oo ka xiriirta iney heleen xogo ku saabsan in qaraxyo ismiidaamin ah ay ka dhici karaan magaalada Muqdisho….

Xogtaan la helay ayaa tilmaameysa in magaalada Muqdisho ay soo galeen xubno ku labisan jaakadaha qarxa kuwaasoo damacoodu yahay in ay weeraro ismiidaamin ah ka geystaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Fariimaha digniinta ee ay direen Saraakiisha Ajaanibta deggan Xerada Xalane ayaa loogu baaqay cidkasta in ay feejignaan dheeraad ah sameeyaan maalmaha iyo saacadaha dhow, gaar ahaan Hoteelada iyo xarumaha Dowladda.

Saraakiil katirsan Wasaarada Amniga ee dowladda Federaalka ayaa sheegay inay ka war hayaan xogahaan isla markaan ay sii laba jibaareen howlgalada ka dhan ka ah falalka amni daradda argagixisada.

Digniinta la xiriirta in ay qaraxyo ka dhici karaan Muqdisho ayaa imaanaysa xili Kooxda shabaab todobaad ka hor ay weerar ismiidaamin ah ku dileen Saraakiil Boliiska ka tirsan uuna ku jiro Taliye kuxigeenkii Qeybta Guud Ee Boliiska iyo Saraakiil kale, kadib markii nin isku soo xiray walxaha qarxa uu isku qarxiyay saldhigga Boliiska degmada Waaberi.

119220cookie-checkHay’adaha Amaanka Oo Soo Saaray Digniino Amaan