Farmaajo Oo u Yeeray Qorqor & Lafta Gareen

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Wada tashi qarsoodi ah oo uu Farmaajo ugu yeeray Qor Qor iyo Lafta gareen kadib markii uu saluugay Qaabka ay u soo xulaayaan Xildhibaanada Baarlamaanka 11-aad oo uu tirsanaayay inuu helo dhamaan Xildhibaanada..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Farmaajo uu aad u saluugay Tiro badan oo Xildhibaano ah oo aan taageersaneyd ay soo baxeen kuwasoo la sheegat in dhaqaale buuran laga qaatay, Dadka sida dhow ula socda safarka Qoor Qoor iyo Laftagareen waxay xaqiijiyeen inuu labada nin u yeeray Farmaajo oo ay shirko siyaasadeed xiligaan ku yihiin.

Sidoo kale, wararka dhaqaale uruursiga Qoor Qoor ee xiliyadaan dambe ay aad u soo xoogeysaneysay ayaa dadka qaar ku fasireen in kooxda Farmaajo tuhun ka qaaday.

Si kastaba, kulankaan waa wada-tashi iyo is turxaan bixin. Laftagareen isaga shaki badan lagama qabo oo sidii uu Farmaajo rabay ayuu ilaa iyo hadda howsha u wadaa, balse loogama maarmo xoojinta heshiiska saddex geesoodka ah, ayey leeyihiin ilo wareedkaan.

165500cookie-checkFarmaajo Oo u Yeeray Qorqor & Lafta Gareen