Coldoon Oo Dembi Lagu Waayay

Somalia news

Maxkamada Gobolka Magaalada Hargeysa, ayaa ku dhawaaqday iney wax dambi ah ku wayday Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo 19, Augost, 2021 laga soo xiray magaalada Burco, kadib markii lagu eedeeyay inuu been abuur ka faafiyay Dugsiga Abaarso iyo Jaamacada Barwaaqo…

Xafiiska Dacwad Oogaha (Xeer ilaalinta), ayaa sidoo kale sheegay iney racfaan ka qaadan doonaan Xukunka Maxkamada Gobolka, kadib markii ay ku qanci waayeen, qaraarka Maxkamada oo gabi ahaanba Coldoon ka dhigaya Dambi laawe.

Dacwada Coldoon ayaa maxkamada ka socotay dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, iyadoo dhibanayaashu ay maxkamada ka hor akhriyeen eedaha ay u haystaan Coldoon, sidaa si lamid ahna Coldoon, ayaa isna dhankiisa iska difaacay eedaha losoo jeediyay.

Abdilmalik Musa Coldoon waa weriye Sama-fale ah, kaasoo codkiisa ku caawin jiray dadka dan-yarta ah, wuxuu dhaqaale u uruurin jiray dad la daalaa-dhacaya dhibaatooyinka nolosha iyo kuwo xanuun-san, Qaar nolosha ka quustay ayuu noloshooda wax badan ka badalay, qaar la dulmiyey oo xabsiyo ku xiran ayuu codkooda caalamka gaarsiiyey.

165570cookie-checkColdoon Oo Dembi Lagu Waayay