Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, waxaa xiliyada doorashada dhaamaadka ku dhowdahay geedi fadhi ay isku uruursadaan u noqotaa Xildhibaanada cusub kuwaasoo kulamo iyo Xaflado ku qabsada, iyagoo isbaheysiyo halkaasi ku dhista…
Kulamada Kutlooyinka Xildhibaannada waa bilowdeen, iyadoo tiro Xildhibaano ah ay magaalada Nairobi isku wareysteen Kutlada Jubbaland, Waxaan sugnaa Kutlada Xildhibaannada NISA oo ay hoggaaminayaan Fahad, Kulane iyo Yaadiin Farey oo iyagana dhowaan dhoolatuskooda aan arki doono, inkastoo la isweydiinaayo halka ay dhoolatuskooda ku soo bandhigi doonaa Ma Addis Abeba mise Mogadishu.
Fagaaraha ugu weyn ee Ololaha isbaheysiga wuxuu noqon doonaa Magaalooyinka Mogadishu & Nairobi, Sida ifafaalaha muuqdaa uu muujinaayo, waxaa durbadiiba is abaabulay Xildhibaannada iyo Senatarada ka soo baxay Puntland iyo Jubbaland oo saldhig ka dhigteen Magaalada Nairobi.