EU-da Oo Madaxda Soomaakida Ka Diyaarineysa Xayiraado Ka Baaxad weyn Kan USA

Somalia news

Kadib markii ay USA ay soo saareen Qoraal xambaarsan hanjabaado xayiraado dhanka dhanka Safarada iyo Dhaqaalaha, ayaa waxaa la sheegayaa in Midowga Europe uu diyaarinaayo qoraal ka culeys badan kan Mareykanka lana filaayo inuu dhowaan soo baxo…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in EU-da ay diyaarineyso ku dhowaad liis ay ku qoran yihiin 100-xubnood oo Mas’uuliyiinta Dowlada Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Saraakiisha Ciidamada Boliiska, NISA, Asluubta iyo Xooga Dalka, kuwaasoo lagu eedeeyay iney qeyb ka ahaayeen tacadiyada lagula kacay Shaciga Soomaaliyeed, Boobka Doorashada, Lunsashada hantida Ummada iyo ku tagrifalka awooda Xafiisyada. hoose ka fiiri lifaaqa Mareykanka Oo Vise kala noqday Eedeysane Fahad Yasin.

Wararka ayaa sheegay iney Bartilmaameedka EU-da uu si gaar ah loo beegsan doono Siyaasiyiinta, Saraakiisha Ciidamada ee Qaswadayaasha ah(spoilers) kuwaasoo ku tagei falay hantida Deeqda ah ee EU-da, isla qaarkood ay heystaan dhalashada Dalalka EU-da, halka kuwa kale la sheegay in magacyadooda la dhigi doono Xafiisyada Interpol.

Go’aanada Mareykanka & EU-da wuxuu Mas’uuliyiinta doorka weyn ku laheyd doorashada Barlamaanka Federaalka dareensiinayaan inaan lagu aamini karin haynta xil dowladeed ee loogu tala galay u adeegidda danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed, iyadoo la raacayo Dastuurka KMG iyo Nidaamka Dimoqradiga ah, Somalia waxaa u bilowday waa cusub ee loo baahan yahay in laga faa’ideysto.

167430cookie-checkEU-da Oo Madaxda Soomaakida Ka Diyaarineysa Xayiraado Ka Baaxad weyn Kan USA