Maxaa Ka Dhab ah in Kheyre Loo Diiday Dal Ku gal (Visa) USA

Somalia news

Iyadoo dhowaan siyaasada Dowladda Mareykanka ee ku aadan dalka Somalia 🇸🇴 isbedel xoogan lagu sameeyay, ayaa waxaa soo shaac baxaaya warar sheegaya in Xasan Cali Kheyre loo diiday Viisaha Dalka Mareykanka, talaabadaan oo muujineysa iney ka dhabeynayaan Siyaasada Xayiraada…

Sida ay u xaqiijiyeen ilo wargal ah Warsidaha Diinah.com news oo la socda Xiisadaan, Mr.Xasan Cali Kheyre ayaa todobaadkii tagay qorsheystay inuu safar ku tago magaalada Minneapolis ee Dalka Mareykanka si uu kulamo siyaasadeed iyo dhaqaale uruurin uga bilaabo Gobolada ay Soomaalidu ku badan yihiin, ayasn darro waxaa la sheegay in Saraakisha Safaarada USA ee Nairobi ay ku wargeliyeen inuusan xiligaan loo oggoleyn inuu booqdo USA.

Mr.Kheyre oo heysta Baasaborka Dalka Norwey ayaa fajac ku noqotay Go’aankaan, wuxuuna durbadiiba bilaabay inuu xiriiro la sameeyo Kooxaha Lobbyists ah ee kalmeeya Dalalka iyo shaqsiyaadka si loogu fududeeyo Dal ku galada iyo arrimaha kale, lama hubo inuu Kheyre ku guuleysan doono inuu helo Visa USA.

Fiiro gaar Mareykanka ayaa horey Visa uu siiyay Eedeysane Fahad Yasin kala noqday.

167860cookie-checkMaxaa Ka Dhab ah in Kheyre Loo Diiday Dal Ku gal (Visa) USA