Dib u Fasixida Qaadka Kenya & Siyaasada Ku Mareegsan

Somalia news

Warar hordhaca ah ayaa tilmaamaya in Wasiirka 1-aad ee Dowladda xil gaarsiinta uu guddi u saaray sidii ay uga soo talo bixin lahaayeen dib u fasixida Qaadka Kenya, usla markaasna meesha looga saaro Qaadka Ethiopia oo loo xiray Qoyska Farmaajo…

Xogtaan ayaa sheegtay in Todobaadyadii ugu dambeeyay ay wadaan qeybo kala duwan oo Ganacsato, Siyaasiyiin iyo Waxgarad kuwasoo cod dheer ku dalbanaayay in dib u eegis lagu sameeyo xayiraada la saaray Qaadka Kenya, iyagoo farta ku goday in Qaadka Ethiopia loo xiray Farmaajo Walaalkiis (Xasan & Shaqsiyaad kale), kuna tilmaamay talabadaasi mid cadaalada ganacsiga ka fog.

Qaadk Kenya laga keeni jiray ayaa waxaa ka ganacsan jiray 22-Shirkadood oo Somali & Somalia Kenya ay wada leeyihiin, Waxaa dalka imaan jiray maalin walba celcelis ahaan ilaa 20 diyaaradood, Dalka waxaa soo geli jiray ugu yaraan 24 xirmo oo mid walba Canshuur ahaan laga qaadi jiray $3000 oo ah $72000 maalin kasta, Khamiista iyo Jimcaha waxaa la keeni jiray 30 xirmo waxayna lacagtu gaari jirtay $90,000.

Wasiirka 1-aad waxaa laga codsaday inuu tartan suuq furan uu ka dhigo Ganacsiga Qaadka ee Ethiopia & Kenya si loo helo isku dheeli tir ganacsi oo laga xoroobo Qoyska Ganacsiga loo xiraayo si loo naas nuujiyo isla markaasna laga xoroobo awood sheegashada Qalinka.

173050cookie-checkDib u Fasixida Qaadka Kenya & Siyaasada Ku Mareegsan