JARMALKA OO KA HORYIMID IN LA BEDDELO XUDUUDAHA GOBOLEED EE ETHIOPIA

Somalia news

Dowladda Jarmalka ayaa ku baaqday xabbadjoojin degdeg iyo in ciidammada shisheeye ay ka baxaan Ethiopia, War saxafaadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimmaha Dibedda ayay dowladda Jarmalku uga digtay in xoog loo adeegsado beddelista xuduudaha goboleed, sida ay doonayaan xagjirka Amxaarada oo loo yaqaanno Fano…

Baaqa ka soo baxay Jarmalka wuxuu cadaadis sii saarayaa Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed oo dhowr maalmood ka hor ciidammo goboleedyada Ethiopia u diray gobolka Amxaarada kadib markii ciidammada Tigreegu qabsadeen Raya oo Amxaaradu qabsatay.

Baaqa Jarmalku soo saaray

Dhanka kale, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Ethiopia Mustafe Omar (Cagjar) ayaa diidmo kala kulmay Saraakiisha sarsare ee Boliiska Liyuu oo uu ka dalbaday iney difaacaan Degaanada Amxaarada.

“Mustafe waa nin aad ugu daacad ah Amxaarada, aamminsan sarrayntooda. Waa sababta uu u doonayo inay Soomaalidu dhiig u daadiso Amxaaradu” ayuu yiri oday ku sugan Jigjiga.

129970cookie-checkJARMALKA OO KA HORYIMID IN LA BEDDELO XUDUUDAHA GOBOLEED EE ETHIOPIA