Ma Dhabaa In Madax furasho Loo Heysto Ciidamada Eritrea Lagu Tababaraayo

Somalia news

Warbixino welwel xambaarsan ayaa laga helayaa Ciidamada (Dhalinyaradii) Tababarada loogu qaaday Dalka Eritrea, iyadoo Maamulka Asmara ay madax furasho ahaan ugu heystaan Ciidamadaan kadib markii Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ay bixin waayeen kharashaadka nolosha, tababarada iyo Caafimaadka Ee ku baxay….

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news in Boqolaal dhalinyaro ah oo Madaxweynaha Somalia ee mudo-xileedkiisu dhamaaday M.C.Farmaajo iyo Madax Hey’adda Nisa adeege Fahad Yaasiin ay si qarsoodi ah ugu direen dalka Eritrea si ay usoo qaataan tababar Ciidan ayaa haatan la xaqiijiyey in dawladda Eritrea ay Dhalinyaradaasi u haysato kharashkii ku baxay tababarada, Caafimaadka iyo Raashinkoodii mudada ay ku sugnaayeen dalka Eritrea iyo waliba kharashkii diyaaradaha ee lagu geyn lahaa Muqdisho.

Dhalinyaradaan ayaa sanadihii 2019 iyo 2020 loo qaaday Eritrea, Waxaana Waalidiinta loo sheegay in la geynayo dalka Qadar si ay ugu qaataan tababar ciidan markay dhamaystaanna ay Qadar ka dhigato askar ilaalisa garoomadda ay ugu talogashay in lagu qabto ciyaaraha Koobka Aduunka ee sanadka 2022.

Qorshaha in dhowr kun oo Dhalinyaro ah lagu soo Tababaro xero ku taal Duleedka Magaalada Asmara, waxa isku afgartay Farmaajo, Fahad Yaasiin iyo Madaxweynaha Eritrea Asayaas Afwerqi xiligii u booqashada ku yimid Muqdisho dabayaaqadii 2018, waxaana heshiiska si dadban qayb uga ahaa Dowladda Qadar oo balanqaaday inay bixiiso dhamaan kharashka ku baxaya safarka cirka ee dhalinyaradaasi ku tagi doonaan Eritrea iyo tababarkooda ciidan muddo 6 bilood ah iyo waliba kharashka soo celintooda markay tababarka dhamaystaan.

Sida la ogsoonyahay Dowladda Qadar ayaa sidoo kale ka faalo qaaday Kharashka ku baxay Tababarada gudaha iyo dibadaba ee Ciidamada Harimacad iyo Gorgor, iyadoo kuwa loo qaado Dalka Turkiga  oo ahaa $900  calaa askari bilkasta mudo 6 bilood ah.

Ilo wareedkaan ayaa u xaqiijiyay in Dowladda Qadar ay muddo ka caga-jiideysay iney bixiso dhaqaalihii ay balanqaaday, waana sababta horseeday in Ciidamadaan madax furasho ahaan loogu heysto Dalka Eritrea, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in 80-ka mid ah Ciidamadaasi ay ka soo baxsadeen xeradaasi kuwaasoo qaarkood soo gaaray Degaanada Kilinka shanaad, waxaana la sheegay in Sirdoonada Ethiopia iyo Somalia ay ku raab joogaan si loo xiro.

120300cookie-checkMa Dhabaa In Madax furasho Loo Heysto Ciidamada Eritrea Lagu Tababaraayo