Ganacsade Loo Diray Lacag Gargaar ah magaalada Hargeysa

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa in Ganacaade ka soo jeeda degaanada Waqooyiga Somalia loo diray fariin xambaarsan inuu ka mid noqday Barakacayaasha gudaha ee abaaraha saameysay ee magaalada Hargeysa inuu nasiib u yeeshay in loo diro lacag deeq ah…

Wararka ayaa sheegay in Ganacsadahaan oo lagu magacaabo Ismaaciil Axmed oo iska leh Xawaalada WorldRemit & Sahmiye Foundation ayaa sheegay inuu aad ula yaabay markii ay soo gaartay Fartiinta Deeqda lacageed oo ay Maalgeliso Midowga Europe, isagoo sheegay inuu u muuqdo mid ka diiwaan gashan Hey’adaha Qaxooyiga gudaha.

Ganacsadahaan ayaa sheegay inuu baaris ku sameeyo sida fudud ee loogu diwaan geliyay Maalqabeenkaan Barakace gudaha ah kana faa’iideysta gurmadka abaaraha, Hey’adda Concern ayaa raali gelin ka bixisay khladkaan waxeyna sheegeen iney baarayaan sababta gsnacsadahaan magaciisa & Lambarka Mobile-kiisa loogu diiwaan geliyay Hey’adda.

173990cookie-checkGanacsade Loo Diray Lacag Gargaar ah magaalada Hargeysa