Kooxdee Lagu Tuhmaaya Afduubka Mas’uulkii hore ee Amniga Jubbaland Sidee ku timid Siideyntiisa!?

Africa News Somalia news

Xogo loo qaateen ah ayaa daaha ka rogaaya in kadib Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ay koox ku dhawaad sagaal maalin ka kor ka afduubatay, isla markaasna Xoogaga Amaanka Kenya ku guuldareysteen iney keenaan raad la xiriira kooxda Afduubka ugu geysatay magaalada Nairobi…

Iyadoo Maalmihii ugu dambeeyay ay isa soo taraayeen baaqyada ka imaanaya Siyaasiinta iyo Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka kuwaasoo Maamulka Ruto ee Kenya ugu baaqay in si deg deg ah jawaab ay ugu bixiso falka affuubka ee lagula kacay Cabdirashiid Janaan oo macluumaad amaan ay sheegeen iney gacanta ay ku hayaan Koox ka tirsan Ciidamada Kenya oo u adeegaya danaha koox gaar ah, inuu xalay Gurigiisa ku hoyday lamana yaqaano sidey ku timid siideyntiisa.

Ilo wareedyo aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya in raga Afuubka Muwaadinkaan ay ku lug leeyihiin Siyaasiyiin Gobolka Gedo ka soo jeeda kuwaasoo la sheegay iney deymo ku leeyihiin ilaa deyntooda meel la saarana aysan sii deyn doonin, inkastoo ay baaqyo ay soo saareen lagu sii deynaayo Wasiirka Gaanshaandhigga Kenya Aadan Barre Ducaale, Agaasimaha Sirdoonka dalkaasi Nouradiin Hajji iyo Xubno kale oo ku qabiil ah Madaxwaynihii hore Uhuru Kenyatta.

302430cookie-checkKooxdee Lagu Tuhmaaya Afduubka Mas’uulkii hore ee Amniga Jubbaland Sidee ku timid Siideyntiisa!?