Kuraas Lagu Dooran lahaa Magaalada Beledweyne Oo la hakiyay

Somalia news

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa soo fara geliyay isla markaasna hakiyay saddex kursi oo doorashadooda beri lagu qaban lahaa Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, Kuraastan oo horay loo hakiyay ayaa maanta Guddiga Doorashada Hirshabelle sheegay in la fasaxay, kadib markii la xaliyay cabashooyinkii loo hakiyay…

Qoraal ka soo baxay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa lagu yiri “Iyadoo ay ka imanayso cabasho kuraasta tirsigoodu yahay Hop#010, Hop#030 iyo Hop#066, waxa uu guddigu farayaa Guddiga Maamulka Doorashada Hirshabeelle iney hakiyaan qabashada doorashada kuraasta ku xusan ilaa laga saxayo habraaca iyo tabashooyinka ka yimid”.

Kursiga Hop#010 oo ku fahiyo Cabdirisaaq Maxamed Axmed Jindi, kusriga Hop#030 oo ku fadhiyo Daahir Amiin Jeesow iyo kurisiga Hop#066 oo ku fadhiyo Cumar Cismaan Waasuge, waxaa ka taagan dood adag, kadib markii musharaxiin gaar ah loo xiray, Lama yaqaan in uu fulayo iyo in kale go’aanka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, iyadoo go’aano uu horay u soo saaray hirgeli-waayeen.

173950cookie-checkKuraas Lagu Dooran lahaa Magaalada Beledweyne Oo la hakiyay