Share the post "Somaliland Oo Sheegtay In Sheekh Sunne uu ku biiray Kooxda Shababka"
Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Wasiir ku xigeenka amniga Somaliland Cabdullaahi Xuseen Maxamed uu shaaca ka qaaday in Sheekh Aadan Cabdiraxman Warsame (Sheekh Sunne) uu ka baxsaday degaanadooda kuna biiray kooxda Shabaabka, haatanna uu ku sugan yahay gobolka Jubbada dhexe…
Wasiirka ayaa u sheegay BBC-da “Warka aan heyno wuxuu inoo sheegayaa in niman ay saaxibo yihiin oo koonfurta jooga oo berigii horeba lagu xaman jiray in uu afhayeen u yahay uu u tegay. Wararka nasoo garaaya waxay sheegayaan in uu ku sugan yahay gobolka Jubada Dhexe”.
Waxa uu meesha ka saaray in baxsadka wadaadkan ay salka ku heysay culeysyka dhinaca amaanka ah ay saareen, wuxuuna dhinaca kale tilmaamay iney wadaan baaritaano ku aadan cida kala shaqeysay inuu u baxsado dhinaca Konfurta Somalia.
“Waxaa kuu caddeynayaa ninkaas wadaadka ah ee Sheekh Aadan Sunne la yiraahdo waa nin isaga Somaliland iskiis uga guuray, isagaa caa’iladiisiina ka rartay cid Alla cid ammaan darra ku sababtay ma jirto, cid wax u dhintayna ma jirto” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Si kastaba, Sheekh Aadan Sunne oo caan ka ah Degaanada Somaliland ayaa horey loogu xiray Hargeysa, balse markii dambe lagu sii daayey damiin, sida uu sheegay wasiir ku xigeenka amniga.