Haweeney Agaasime Aheyd Oo Lagu Dilay Mogadishu

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa koox hubeysan oo caawa Magaalada Mogadishu ku dishay Agaasimihii madaxa Waaxda Maaliyadda ee Wasaarada Shaqada iyo Arrmiha Bulshada Marxuumada Safiya Abuukar Karaani…

Wararka ayaa sheegay in Marxuumada ay Laba dabley ay ku toogteen agagaarka Kaalinta Shidaalka ee HAAS oo u dhow Isgoyska Sayidka, halkaasoo la sheegay inuu ku yaalay Gurigeeda, sidoo kale waxaa goobta ka ag dhowaa Isbaarada Ciidamada Dowladda ee ilaaliya Madaxtooyada.

Dableyda dilka geystay ayaa la sheegay iney goobta ka baxsadeen, waxaana halkaasi gaaray Ciidamo Boliis ah oo bilaabay baaris aan la ogeyn natiijada ka soo bixi doonta.

164440cookie-checkHaweeney Agaasime Aheyd Oo Lagu Dilay Mogadishu