Muwaadiniin Soomaaliyeed Oo Ku Xayirmay Addis Abeba

Somalia news

Warar hordhaca ah oo naga soo gaaraya magaalada Addis abeba ee Ethopia ayaa sheegaya in Muwaadiniin Soomaaliyeed ay ku xayirmeen gudaha garoonka Bole International Airport kadib markii diyaaradda Ethiopian Airlines ay Joojisay duulimaadkeedii Addis-Mogadishu…

Wata ayaa sheegay in Sababaha ay Shirkadda Ethiopian Airlines ay u joojisay duulimaadkeeda Addis Aabab-Mogadishu ayaa lagu sheegay Weerarkii 11:30 Am ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, xiligaas oo ay ku soo aadaneyd duulamimaadkeeda Muqdisho.

Dadka qaarkood ayaa ee ku sugan Garoonka ayaa Transit ku ahaa Bole Airport, kuwaasoo doonayay iney kaga soo gudbaan magaalada Mogadishu, sidoo kale waxaa hakad ku yimid Duulimaadkii Qatar Airweys.

Dhacdadaan ayaa ku soo aadeysa xilli Barqanimadii manta ay weerar ku soo qaadeyna Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho 2-Dabley ah oo ka tirsan shabaab kuwaasoo Mas’uuliyada weerarka sheegtay.

177130cookie-checkMuwaadiniin Soomaaliyeed Oo Ku Xayirmay Addis Abeba