Wararkii ugu Dambeeyay Weerarka Garoonka Diyaaradaha Mogadishu

Somalia news

Macluumaad dherraad ah ayaa laga helayaa Weerarkii ay kooxda Argagixisada ku qaadeen qeyb ka mid Garoonka diyaaradaha magaalada Mogadishu, iyadoo ugu yaraan lix qof la xaqiijiyey inay ku dhinteen weerarkaasi ku qaadeen qeybta Saadka ee Garoonkaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo Amaanka ah…

Wararka ayaa sheegay in 6-Qof oo shan ka mid ah ay yihiin Ajaaniib uu ku jiro Askari ka tirsan ciidamada AMISOM, Iyadoo Dadka dhintay ay sidoo kale ku jireen Tababarayaal ka caawiya Dowladda dhinaca tababarka qaraxyada.

Waxaa weerarkaasi soo qaadeen Labo ka mid ah Argagixisada kooxda Shabaabka, kuwaasoo ku hubeysnaa Hubka fudud iyo Bam-gacmeed, waxaana jira tuhun muujinaaya in loo fududeeyay iney si fudud ku galeen xeyndaabka ku xerran Garoonka, iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay Taageerayaasha Farmaajo & Fahad wadeen Olole dhan ka ah Xarunta Xalane.

177020cookie-checkWararkii ugu Dambeeyay Weerarka Garoonka Diyaaradaha Mogadishu
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com