Dhaca Gargaarka Oo Dhaqan ka noqday Somalia

Somalia news

Xiligaan abaarta & biyo La’aanta ku habsatay Dalka in la xado lana ibsado mucaawinada ma ahan wax ku cusub Somalia, iyadoo kuwa loo xil saaray iney Maamulaan qeybinta Deeqaha Raashinka loogu tala gala Dadka Abaartu ayaa xiliyadaan camiran Suuqyada Magaalada Mogadishu…

Bishii January ee Sanadkaan ayaa deeq Gargaar ay ku deeqeen Dowlada UAE, kuwaasoo isugu jira Raashin iyo Daawo, waxaana intii badneyd Deeqdaan la Geeyay Suuqa weyn Ee Bakaaraha, halkaas lagu kala iibsanaayo qiimo kala duwan, waxaana ka muuqda Astaamaha Calanka Dowlada Imaaraadka.

Sawiradaan ayaa si weyn loo faafiyay Baraha Bulshada, iyadoo wareysi aan la yeelanay qaar ka mid ah Ganacsatada ayaa sheegay in deeqdaan loogu keeno Bakhaaradooda lagana siiyo qiimo jaban, wuxuuna xusay iney caadi tahay in la iibiyo Raashinka gargaarka, Dowladdaha bixiya loo sheego in barakacayaal ay iibsadaan Raashinka Deeqda ah.

177360cookie-checkDhaca Gargaarka Oo Dhaqan ka noqday Somalia
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com