Ciidamada Boliiska Oo Lagu Eedeeyay Dhaqaale ku qaataan Madax-furashada Dhalinyarada la xiro

Somalia news

Warbixino welwel xambaarsan ayaa sheegaya in Dhowr degmo oo Muqdisho ka tirsan ayaa waxaa ka billowday falal amni-darro ah oo ay wadaan ciidammada Boliiska Soomaaliyeed, Degmooyinka Hodan, Wardhiigley iyo Hawlwadaag carruurta ku nool waxay la kulmaan afduub ay ciidammadu u geystaan, waxeyna soo xiraan Dhalinyaro & Carruurta marka la dhaafo maqribka…

Dhalinyaradaan ayaa lagu eedeeyaa inay Kooxda Shabaabka u shaqeeyaan haddii la arko iyagoo keligood socda, xitaa xiliga salaadda cishe iyagoo u socda ayay soo qabtaan, Waxay faraan carruurta ay afduubeen inay waalidkood telefoon u diraan, Marka waalidku yimaado meesha carruurta lagu hayo oo saldhig ah ama meel ciidanka Boliisku ka samaystay saldhig yar.

Iyadoo Waalidka la kala dooransiiyaa inay dhaqaale yar oo madaxfurasho ah bixiyaan si carruurta loo sii daayo ama in carruurta la soo afduubay loo gudbiyo maxkamad, kuwaasoo lagu eedeynayo inay Kooxda argagixisada Shabaab xog u ururinayeen.

“Wax Nidaam Dowladeed kama jiraan degmooyin badan oo Muqdisho ka mid ah, Waxaa jira qad cagaaran oo aan muuqan, Mooryaantii hore iyo kuwa hadda waxay ku kala duwan yihiin waa, kuwa hadda loo bixiyay Ciidamada Boliska waa Mooryaan mushaar lagu siiyo dhaca iyo laaluush qaadashada” ayuu yiri oday Soomaaliyeed oo ku nool xaafadda Baar Raaxo ee degmada Hodan.

177390cookie-checkCiidamada Boliiska Oo Lagu Eedeeyay Dhaqaale ku qaataan Madax-furashada Dhalinyarada la xiro
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com