Isticmaalka Noocyada Maandooriyayaasha & Dhibaatooyinka Laga Dhaxlo Oo ku Faafaya Ciidamada Dowlada Federaalka

Somalia news

Warbixino Caafimaad oo welwel xambaarsan ayaa caddeynaayaa inta badan Ciidamada Dowladda Federaalka qeybaheeda kala duwan ay aad ugu badanayaan Kooxaha qabatimay ama u jilcay noocyada Maandooriyayaasha Alcohol-ka, Taabu, iyo Qaadka, iyadoo Dowladda Federaalka ay wado qorshe ay dib ugu dhiseyso Ciidamada Cabtooyada qabatimay…

Warbixino Caafimaad ayaa muujinaaya in maalinta Maalinta ja dambeysay ay sii kordhay aan tirada Ciidamadaan kuwaasoo la il darran xaalado Caafimaad Ee dhanka Dhimirka, kuwaasoo qaarkood la sheegay in lagula tacaalaayo Isbitaalada qaarkood, kadib markii ay qabatimeen Isticmaalka Maandoriysyaasha Sida Qaadka, Tramadol, XL, diyasabom, Noocyada Khamriga (Caraqa) iyo Noocyada Xashiishada.

Waxeyna ka dhaxleen Cudurada Dhimirka (Neurological disorder), khubarada Caafimaadka ayaa ka digay inta uu ka sii jiro isticmaalka iyo faafida Maandooriysyaasha Xeryaha Ciidamada iyo Guud ahaan Baraha Kontroolada ay sii kordhi doonaan Dembiyada Dilalka, kufsiga iyo dhac Shacbiga, waxaana ku adkaan doonto Dowladda Federaalka sugida Amaanka, soo celinta Sharciga iyo la dagaalanka Kooxaha Argagixisada.

Magaalada Mogadishu iyo Guud ahaan Gobolada Dalka ayaa Maalinta cad Waxaa indhagaagu qabanayaan Ciidamada Dowladda (Askar) Saqraasan Oo qoriga Amaankiisu u furan yahay kuwaasoo Dhaca mobile-da u geysanaya Shacbiga, talaabadaan oo sii xoojineysa dayaca ka jira amaanka guud Ee Dalka.

200550cookie-checkIsticmaalka Noocyada Maandooriyayaasha & Dhibaatooyinka Laga Dhaxlo Oo ku Faafaya Ciidamada Dowlada Federaalka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com