Ergeyga Abaaraha ee Madaxweynaha Oo Ku Wajahan Garoowe Kadib Shaqaqadii Boosaaso

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa kadib Markii ay Wasiiro Daacad u ahi Madaxweynaha Puntland Saciid Dani ay horistaageen Diyaarad gargaar siday oo ay la socotay Gudoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Federaalka, isla markaasna ka dhacay dagaal qaraar oo 20-qof ku naf waayeen garoonka Boosaso…

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in kadib markii wada hadalka dhanka Khadka isgaarsiinta ku yeesheen Madaxweynaha Dowlada Federaalka iyo kan Maamulka Puntland oo ku sugan magaalada Addis abeba lagu heshiiyay in xaalada la dejiyo, isla markaasna ee degaanka tago Ergeyga Abaaraha ee Madaxweynaha.

Wararka ayaa sheegay in Mr.Cabdiraxman Cabdishakuur uu maalinta berito ah uu gaari doono Puntland, kadib markii Gudoonka Baarlamaanka ay baaq u direen Ergeyga Gaarka ah, kana qeyb qaato sidii indhaha Caalamka loogu soo jeedin lahaa xaalada Abaarta ee ka jirta Degaanada Puntland.

Wararka ayaa sheegay in Saciid Dani oo ku sugan magaalada Addis abeba uu soo gaari doono Puntland dhowaan si uu u maareeyo dhibaatada ka dhalatay dagaalka dhacay iyo khilaafka ka dhashay Amarkii Madaxweyne kuxigeenka oo ay diideen iney fuliyaan 4-ta Wasiir oo lagu tiro tiriyo iney Daacad u yihiin Saciid Dani.

200600cookie-checkErgeyga Abaaraha ee Madaxweynaha Oo Ku Wajahan Garoowe Kadib Shaqaqadii Boosaaso