Ganacsatada Qaadka Kenya Oo Ka niyad jabay Balanqaadyada Beenta Ah ee Maamulka Uhuruu

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa tilmaamaya in Ganacsatada Beeraha Qaadka ee Gobolka Meru Kenya ayaa niyad jab weyn ka qaaday Hadal maaweelo ah oo Wasiirka Beeraha Mr.Peter Munya ku sheegay in dib loo bilaabi doono Ganacsiga Qaadka ee la geyn jiray suuqyada magaalada Mogadishu..

Madaxweynaha Xilka ka sii degaaya Mr.Uhuruu Kenyatta ayaa rajeynaayay inuu ka faa’iideysto wanaajinta xiriirka Somalia & Kenya oo 5-tii sano u dambeysay hoos u dhac ku yimid kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay Isaga iyo Farmaajo, talaabaasi oo horseeday xiriirkii Ganacsiga iyo isu socodka uu istaago.

Mr.Uhuruu ayaa la sheegay in markii uu ku hungoobay in Kulankii IGAD ee Nairobi uu ka baaqday Madaxweynaha cusub ee Somalia, ayaa wararku sheegaya inuu Isku dayay inuu Madaxweynaha Dalka Djibouti ku qalqaaliyo inuu oggolaado in Qaadka Kenya loo fasaxo Suuqyada Djibouti, balse wuxuu la kulmay waji gabax.

Ganacsatada Qaadka Kenya ayaa Caasimada Mogadishu u soo dhoofin jirtay 150-tan oo Qaad ah maalintii, iyagoo ka faa’iidi jiray 16-million Sh. Kenya una dhiganta 136,000 US$ ah, Iyadoo xiligaan lagu guda jiro ololaha Doorashada Kenya ayeey sheegeen Ganacsatada Qaadka ineysan codkooda siin doonin Musharaxa uu wato Uhuruu Kenyatta.

200430cookie-checkGanacsatada Qaadka Kenya Oo Ka niyad jabay Balanqaadyada Beenta Ah ee Maamulka Uhuruu