Ergo Kenyan Ah Oo Magaalada Mogadishu Ku Soo Fool Leh

Somalia news

Kadib Kulankii qarsoodiga ahaa ee ka dhacay Magaalada Dooxa Dalka Qatar una dhaxeeyay Wasiirada Arrimaha gudaha Kenya iyo Wasiirka Amniga Somalia ayna garwadeen ka aheyd Dowladda Qatar, ayaa la sheegay in Maanta Magaalada Mogadishu ay soo gaari doonaan Ergo ka Socota Kenya…

Ilo Wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in Ergadaan Kenya oo ay wehliyaan Tiro Ganacsato iyo Qareen Beesha Mareexaan u dhalatay balse dhalasho Kenya heysta ayaa lagu wadaa iney si qarsoodi ah ula kulmaan Mr.Farmaajo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday. Isla markaasna laga wada hadlo qodobo dhowr ah oo ay ku jirto Xiisadaha Gobolada Jubooyinka iyo Kiiska Dacwada Badda Ee Maxkamada ICJ.

Kenya ayaa diiday in Ahmed Madoobe ugacan geliso Farmaajo balse waxey iyana aqbashay iney fududeyso baxsashada C/rashiid Janan iyo iney taageero dhinaca dhaqaalaha u fidiso si uu doorasho ugu galo, Dowlada Kenya ayaa soo jeedisay in Xirirka diblumaasiyada dib loso celiyo si ay ufududaato arrimaha wadahadalka labada dowladood loona xoojiyo iskaashiga labada dhinac.

108360cookie-checkErgo Kenyan Ah Oo Magaalada Mogadishu Ku Soo Fool Leh