Share the post "Dardargelinta Deni & Danihiisa Ganacsi ee Dalka Zambia Xiligaan Kala Guurka ah"
Madazweynaha Puntland oo muddo xileedkiisu dhamaad yahay oo haatan ku sugan magaalada Nairobi si Wakiilada beesha Caalamka iyo Ganacsatada Puntland uga gado in la aqbalo muddo kordhinta uu shuraakada kula yahay Madaxtooyada Somalia, wuxuuna ku sii jeeda Dalka Zambia..
Wararka ayaa sheegay inuu kulamo la yeesha Danjiraha Jarmalka iyo u qeybsanayaasha arrimaha Siyaasada (Muna Maxamed) iyo (Anna Nuechterlain) Dhaqaalaha ee Safaarada USA, kulanka ayaa looga hadlay Xaalada guud ee Dalka gaar ahaan dekeda Garacad iyo doorashada Puntland.
Dhanka kale Mr.Dani ayaa ku sii jeeda Dalka Zambia oo uu ku leeyahay Meherado ganacsi (Kilwe Transportation) iyo dano ganacsi uu ku leeyahay magaalada Ndola, Shirkadahaan oo loo dhiibay dhaqaale badan oo cash ah ayaa sahashay iney shirkado yar yar ay u fidiso Amaah kuwaasoo ay ka qaado Qoondo go’an oo macaash ah.
Dalka Zambia ayaa waxaa ku badan Jaaliyad Soomaaliyeed oo ka soo jeeda degaanada Puntland, iyadoo la soo warinaayo iney kala qeybsanaan ku keentay Jaaliyada dhexdeeda diyaarinta qabanqaabada soo dhoweynta Mr.Dani, iyadoo Jaaliyada ka soo jeeda Gobolka Mudug (Puntland) aad u dhaliisan yihiin qaabkii uu u maareeyay Mr.Dani Doorashadii Federaalka iyo sidii uu ugu bah-dilay Odaayaashii Beerta shirka uga socday.