Ma Dhabaa in 4-Cutub ee Hore Dhawaan la Ansixin Doono & Mucaaradka oo ka Quustay Hor istaaga Howsha Socota…

Somalia news

Dooda ka socota Baarlamaanka Somalia ee la xiriirta wax ka bedelka Dastuurka oo haatan maraaya Cutubka 4-aad, iyadoo la isku raacsan yahay inuu yahay kan ugu xasaasin, waxaa ku jira Arrimaha isbedelka Heykalka Dowladnimada guntiisu tahay in laga guuro Xafiiska Wasiirka 1-aad loona guuro Madaxweyne iyo Kuxigeen..

Waxaa kaloo Cutubkaan ku jira hanaanka doorashooyinka iyo inuu Dalku yeesho Nidaam laba Xisbi ka kooban waxaa lagu dhawaan marka soo idlaato Dooda ayaa waxaa la ansixin doonaa si isku duubni ah 4-ta Cutub hore ee Dastuurka, iyadoo Codka laga dhigay Gacan taag, iyadoo Dowladu ay horey ugu adkaatay in hab-raaca sidaas laga dhigo.

Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijiyay in Gudoonada Baarlamaanka ay isku raaceen in la ansixiyo 4-ta Cutub ee doodoodu soo dhamaan rabtay ka hor fasaxa Bisha Ramadaan ama markii laga soo laabto Fasaxa, iyadoo Maamulka Villa Somalia ay rajeynayaan in la ansixiyo ka hor Fasaxa Bisha Ramadan, iyadoo ay xuuraanada qaarkood ay xaqiijinayaan in 23-ka Bisha lagu wado in la ansixiyo 4-ta Cutub ee hore.

Kooxaha Mucaaradka & Awood La’aantooda

Kooxaha Mucaaradka (2-dii Madaxweyne ee hore) Sheekh Shariif, M.Farmaajo & Maamulka Garoowe ayaa ka mideysan iney hor istaagaan ansixinta iyadoo loo maraayo Xildhibaanada Qeybahaan taageersan, inkastoo diidmadoodu aysan la socon ama xoojin wax ficil ah marka laga reebo Mr.Farmaajo oo ku hanjabay in Qof walba uu Tuuladiisa ku laabanaayo, iyadoo aysan ka muuqan (Kooxahaani) wax itaal Siyaasadeed oo hadal ka badan.

Warar ayaa sheegaya in wada hadalo hoose ay u socdaa Puntland & Madaxtooyada Somalia kadib markii shuruudii uu Mr.Dani ku xiray in Danjiraha Somalia ee UAE lagu sharfo ay socon weysay loona magacaabay Mr.Xuseen A Xalane isla markaasna Xildhibaanadii taageersanaa ay badankood ka soo horjeysteen ayuu hadda doonayaan in ugu yaraan Qeyb uu ka helo in loo fasaxo Maraakiibta ka kaluumeysata Xeebaha Puntland oo aan lagu dalban Ciidamada Turkiga.

Kooxahaan Danleyda Siyaasada ah ayaa hadda doodoodu u bedelay xitaa hadii la dhaqan geliyay degaankee ayaa laga hirgelin doonaa, waa dhaqan soo jireen ah in mar walba kooxda talada heysa ay ku xoogan tahay Taageerada Xildhibaanada Baarlamaanka laakin waxaa la arki jiray kooxo Mucaarad ah oo intaan ka xoog badan oo soo jiidan jiray dareenka Shacbiga, inkastoo ay sax tahay in aan loo dhameyn dooda qorshaha Dastuurka, hadana Xiligaan Villa Somalia diyaar uma ahan iney dhageysato qeylada kooxaha Mucaaradka, kooxahaan xiligaan ma heystaan itaal ay ku hor istaagaan Howsha socota, waxeyna u badan tahay in la ansixiyo Qabyo Qoraalkaan 20-ka sano la soo waday.

315880cookie-checkMa Dhabaa in 4-Cutub ee Hore Dhawaan la Ansixin Doono & Mucaaradka oo ka Quustay Hor istaaga Howsha Socota…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com